Kooxda Arsenal ayaa gaadhay guul muhiim ah oo ay ka gaadheen kooxdooda ay xafiiltamaan ee Tottenham Hotspur, iyagoo ku garaacay 4-1 kulan ka tirsanaa wareegga 27-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo lagu qabtay garoonka Tottenham.
Arsenal ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 32-aad markii Eberechi Eze uu dhaliyay goolka koowaad, caawin uu ka helay Saka. Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa si degdeg ah uga jawaabtay, waxaana goolka barbaraha u dhaliyay Randal Kolo Muani daqiiqaddii 34-aad.
Daqiiqaddii 47-aad, Viktor Gyökeres ayaa dhaliyay goolka labaad ee Arsenal isagoo ku hubsaday darbo qurux badan oo ka baxsan diilinta ganaaxa. Markii ay ciyaartu maraysay daqiiqaddii 61-aad, Eberechi Eze ayaa mar kale shabaqa soo taabtay, isagoo dhaliyay goolka saddexaad ee Gunners.
Daqiiqaddii 90+4, Viktor Gyökeres ayaa xaqiijiyay guusha Arsenal isagoo dhaliyay goolka afraad.
Guushan kaddib, Arsenal ayaa kor u qaadday dhibcaheeda oo gaadhay 61 dhibcood, iyagoo ku hoggaaminaya horyaalka 5 dhibcood kana sarreeya Manchester City, halka Tottenham ay ku hadhay 29 dhibcood, kuna jirto kaalinta 16-aad ee kala sarreynta guud.
Be the first to comment