Tiro ka mid ah kulamada Premier League ayaa la joojin doonaa muddo gaaban sabab la xidhiidha bisha Barakaysan ee Ramadaan.
si loogu oggolaado ciyaartoyda sooman inay afuraan inta lagu jiro ciyaarta.
Ciyaartoyda Muslimiinta ah ee ka qeyb qaadanaya bisha barakeysan ee Ramadan waxay ka fogaadaan cunista iyo cabbitaanka inta ay qorraxdu soo baxdo ilaa ay ka dhacdo, taasoo ka dhigeysa arrin si gaar ah ugu adag ciyaartoyda xirfadlayaasha ah ee ciyaaraya heer sare.
Go’aankan lagu joojinayo ciyaarta daqiiqado yar ayaa u oggolaanaya ciyaartoyda:
-
Inay cabbaan biyo
-
Inay cunaan timir ama cunto fudud
-
Inay dib u helaan tamar si ay ciyaarta u sii wadaan
Arrintan ayaa noqotay mid caadi ka ah horyaalka England sannadihii u dambeeyay, iyadoo la muujinayo ixtiraamka kala duwanaanshaha diimaha iyo dhaqamada ciyaartoyda.
Ramadaan
Bilaabmay horraantii usbuucan – ku egyahay fiidnimada Khamiis, 19 March 2026.
Inta lagu jiro Ramadaanka, qorrax-dhaca ayaa la filayaa inuu u dhexeeyo 5:00 galabnimo ilaa 7:00 fiidnimo wakhtiga UK taasoo saameyn doonta kulamada Premier League ee bilaabma:
-
5:30 galabnimo Sabtida
-
4:30 galabnimo Axadda
Kulamadaas ayaa si kooban loo joojin doonaa marka la gaaro waqtiga afurka, si ciyaartoyda sooman ay u cabbaan biyo ama u cunaan wax yar ka hor inta aysan ciyaarta sii wadin.
Tani waxay muujineysaa ixtiraamka horyaalka uu u hayo ciyaartoyda Muslimiinta ah inta lagu jiro bisha barakeysan.
Saturday, February 21 (wakhtiga cad-ceedu dhacayso London 5:25pm)
West Ham vs Bournemouth (wakhtiga bilaabashada 5:30pm)
Sunday February 22 (wakhtiga cad-ceedu dhacayso London 5:27pm)
Tottenham vs Arsenal (wakhtiga bilaabashada 4:30pm)
Saturday, February 28 (Wakhtiga cad-ceedu dhacayso Leeds 5:41pm)
Leeds vs Man City (wakhtiga bilaabashada 5:30pm)
Sunday, March 1 (wakhtiga cad-ceedu dhacayso London 5:40pm)
Arsenal vs Chelsea (wakhtiga bilaabashada 4:30pm)
Saturday, March 14 (Wakhtiga cad-ceedu dhacayso London 6:04pm)
Chelsea vs Newcastle (wakhtiga bilaabashada 5:30pm)
Sunday, March 15 (Wakhtiga cad-ceedu dhacayso Liverpool 6:15pm)
Liverpool vs Tottenham (wakhtiga bilaabashada 4:30pm)
Be the first to comment