Soo jeediyaha barnaamijka talkSPORT, Adrian Durham, ayaa kula taliyay khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, inuu ka fiirsado bixitaanka kooxda haddii aan loo soo bandhigin qandaraas cusub oo la mid ah kan Bukayo Saka.
Arsenal ayaa dhawaan Saka siisay heshiis cusub oo ka dhigaya ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda (in ka badan £300,000 todobaadkii). Saka ayaa kasoo baxay akadeemiyadda Arsenal, halka Rice uu ku jiro xilli ciyaareedkiisii saddexaad tan iyo markii uu £105 milyan uga soo wareegay West Ham United.
Durham ayaa ku yiri talkSPORT Daily podcast:“Rice wuxuu bixiya wax walba kulan kasta. Mar walba wuu diyaar yahay, wuxuu daboolaa qayb kasta oo garoonka ah, mana matalo dhaawac been ah. Waa wadnaha kooxda”
“Wuxuu ka badan yahay kabtan marka loo eego Martin Odegaard. Haddana wuxuu maqlay in Saka noqday kan ugu mushaharka badan kooxda”
“Waa inuu aad u xanaaqsan yahay. Hal go’aan gudaheed, dadaalka iyo tayada Declan Rice waa la ixtiraam-tiray.”
Durham wuxuu intaas ku daray in haddii uu ahaan lahaa wakiilka Rice, uu dalban lahaa heshiis cusub oo ka wanaagsan, isla markaana haddii Arsenal aysan bixin karin, uu kula talin lahaa inuu raadiyo koox kale oo si buuxda u qadarin doonta kartidiisa xagaaga.
Hadalka Durham ayaa la filayaa inuu kiciyo dood ku saabsan qiimeynta mushaharka ciyaartoyda Arsenal iyo doorka Rice ee kooxda uu maamulo Mikel Arteta.
Be the first to comment