Ciyaaryahankii hore ee weerarka uga ciyaari jiray Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Rooney oo ka hadlayay barnaamijka Overlap ayaa yiri Arsenal waa “aad u xoog badan oo awood leh.”
40-jirkan ayaa kalsooni ku qaba in Gunners-ku ay si ka wanaagsan uga maareyn doonaan tartanka horyaalka markan, gaar ahaan kadib cadaadisyadii ay la kulmeen xilli ciyaareedyadii hore.
Wuxuu yiri:
“Waxaan u maleynayaa inay aad u xoog badan yihiin oo awood leeyihiin.
Waxaan u maleynayaa inay ku guuleysanayaan sababta oo ah Mikel Arteta. Wuxuu muujiyay cadaadiskii sannadihii hore, balse xilli ciyaareedkan si qumman ayuu u maareynayaa.
Manchester City waxay siin doonaan tartan adag, laakiin ma arko inay wada badiyaan dhammaan kulamadooda isla markaana Arsenal ay dhibco badan lumiyaan.”
Arsenal waxay fursad u heysataa inay hoggaanka ku dheereysato toddoba dhibcood marka ay booqato Wolverhampton Wanderers habeenka Arbacada.
Be the first to comment