Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Owen Hargreaves, ayaa sheegay sababaha ay Arsenal ugu guuleysan karto afar koob xilli ciyaareedkan.
Gunners ayaa ku tartamaya afar tartan oo kala ah: Premier League, Champions League, Carabao Cup iyo FA Cup.
Hadda Arsenal waxay afar dhibcood ka sarreysaa Manchester City hogaanka Premier League, halka kooxda Mikel Arteta ay sidoo kale gaartay wareegga 16-ka FA Cup kadib guushii ay ka gaartay Wigan Athletic Axaddii.
Sidoo kale Arsenal waxay gaartay final-ka Carabao Cup, waxayna ku jirtaa wareegga 16-ka Champions League.
“Arsenal way ku guuleysan kartaa afar koob. Waxay dhiseen koox cajiib ah, sidaas darteed waxay leeyihiin kayd fiican iyo xulashooyin badan oo ciyaartoy ah,” ayuu Hargreaves ka sheegay TNT Sports.
“Waxay haystaan fursad ay ku abuuraan wax gaar ah. Iyaga ayaa ah kuwa ugu cadcad Premier League, sidoo kalena waxay ahaayeen kooxda ugu fiican Champions League (wareegga group-yada).”
Be the first to comment