Tan iyo markii uu ka soo laabtay waajibaadka xulka qaranka, Mohamed Salah ayaa sameeyay laba gool iyo afar caawin toddobo kulan gudahood, taasoo ka caawisay inuu dib u hagaajiyo xiriirkiisa kooxda Liverpool.
Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa yiri:
“Mo wali aad ayuu muhiim noogu yahay. Toddobaadkii hore mar kale ayuu caawin sameeyay wuxuuna jebiyay rikoor kale. Weli waa hoggaamiye, anigana shaqsi ahaan ahaan kabtan ahaan aad bay muhiim iigu tahay inuu agteena joogo, garoonkana ku jiro. Joogitaankiisu wuxuu faa’iido u yahay kooxda.
“Mar walba wuxuu kooxda siiya wax ka badan goolal. Dabcan hadda waxaa aad loo hadal hayaa goolashiisa, taasna waa qayb ka mid ah noloshiisa sababtoo ah heerarka uu isagu dejiyay aad bay u sarreeyaan. Marka uusan si badan u dhalin goolal, dhaleeceyn ayuu la kulmaa.
“Waa inuu degganaadaa oo isku dayaa inuu muhiim ku noqdo wax kasta oo uu weli qaban karo, welina wax badan ayuu sameyn karaa. Wuxuu muhiim noogu yahay garoonka dhexdiisa iyo dibaddiisaba,” ayuu yiri Virgil.
Su’aalo ayaa weli ka taagan mustaqbalka Salah, iyadoo la sheegayo in Saudi Pro League ay diyaarinayso dalab kale xagaaga.
Van Dijk ayaa si diblomaasiyadeed uga hadlay arrintaas: “Xaaladdu waa sida ay tahay. Diiradda oo dhan waxay saaran tahay inaan marka hore xilli ciyaareedkan ka dhigno mid guul ah, kadibna waan arki doonaa sida uu ku dhammaado xilli ciyaareedku, mar walbana ma ogid waxa dhici kara.
“Anigu mar walba waxaan rabaa Mo inuu sii joogo sababtoo ah waa saaxiibkey wanaagsan, sanado badanna waxaan wadaagnay guulo iyo waqtiyo aan sidaas u fiicneyn – ma doonayo inaan ugu yeero hoos u dhac – isla markaana aniga oo kale wuxuu heystaa hal sano oo kale. Marka waan arki doonnaa.”
Be the first to comment