Pedro Neto Oo Taariikh Sameeyay Kadib Saddexleydii FA Cup-ka.

Garabka kooxda Chelsea, Pedro Neto, ayaa dhigay laba rikoor kadib markii uu saddexley (hat-trick) dhaliyay kulankii ay kooxdiisu 4-0 kaga adkaatay Hull City wareegga afaraad ee FA Cup habeenkii Jimcaha.

Saddexda gool ee Neto iyo hal gool oo uu dhaliyay Estêvão Willian ayaa xaqiijiyay in Blues-ka ay ka adkaadaan Hull City islamarkaana u gudbaan wareegga 16-ka ee FA Cup.

Sida ay sheegtay OptaJoe, saddexleyda Neto uu ka dhaliyay Hull City waxay noqotay tii ugu horreysay ee ciyaaryahan Chelsea ah uu dhaliyo maalin Jimce ah tan iyo markii George Hilsdon uu saddex gool ka dhaliyay Middlesbrough bishii Janaayo 1909.

Sidoo kale, saddexleyda Neto waxay noqotay tii ugu horreysay abid ee ciyaaryahan ka tirsan horyaalka heerka koowaad (top-flight) uu dhaliyo kulan ku beegan Jimce 13-keeda.

Neto ayaa si weyn u soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo markii uu kaga soo biiray Chelsea kooxda Wolverhampton Wanderers sanadkii 2024.

Ciyaaryahanka 25-jirka ah ee xulka Portugal ayaa rajeynaya inuu hoggaamiyo kooxda tababare Liam Rosenior marka ay la ciyaarayaan Burnley kulankooda xiga ee Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga