Man City Oo Taariikh Samaysay Kadib Markii Ay Iska Xaadirisay Wareega 16-ka FA Cup-ka.

Manchester City ayaa Sabtidii taariikh cusub ka sameysay tartanka FA Cup kadib markii ay 2-0 ku garaacday Salford City wareegga afaraad ee tartanka, kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Sida ay sheegtay OptaJoe, natiijada kulanka kadib, Cityzens-ka ayaa hadda ku guuleystay 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee FA Cup ay ku ciyaareen Etihad Stadium, taasoo la mid ah rikoodhkii ugu dheeraa ee guulo xiriir ah oo garoonka lagu gaaro taariikhda tartanka. Rikoodhkaas waxaa horay u dhigtay Clapham Rovers intii u dhaxeysay December 1873 iyo February 1881.

Waxaa xusid mudan in gool uu iska dhaliyay Alfie Dorrington iyo gool uu dhaliyay Marc Guehi ay xaqiijiyeen guusha Manchester City oo u gudubtay wareegga 16-ka (Round of 16).

Manchester City ayaa hadda wajihi doonta Newcastle United kulankeeda xiga ee horyaalka Premier League.

Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta Premier League, iyadoo ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Arsenal.

Manchester City ayaa afar dhibcood ka dambeysa Gunners-ka kadib markii la ciyaaray 26 kulan oo Premier League ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga