Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka kadib markii ay garaacday Salford City.
Man City oo uu Guardiola si weyn is badal ugu sameeyay shaxdiisa ayaa iska xaadirisay kadib markii ay gaadhy guul 2/0 ah.
Xiddiga Salford City ee Dormington ayaa daqiiqadii 6-aad is khaldan isaga dhaliyay goolka 1-aad isaga oo hogaanka u dhiibay Man City.
Kooxda Pep Guardiola ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo iska ilaalinayay lama filaan ay kala kulmaan kooxda Salford City.
Daqiiqadii 81-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay daafaca Marc Geuhi kaas oo ciyaarta soo gaba-gabeeyay.
Be the first to comment