Omar Marmoush Oo Fariin U Diray Arsenal Ka Hor Final-ka Carabao Cup-ka.

Omar Marmoush ayaa muujiyay inuu si weyn u sugayo fursadda uu ugu guuleysan karo koobkiisii ugu horreeyay ee Manchester City, tan iyo markii uu ku biiray kooxda 12 bilood ka hor.

“Waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka. Waxaan halkan u joognaa inaan ku guuleysanno koobab,” ayuu Marmoush yiri kaddib markii uu laba gool dhaliyay kulankii ay City 3–1 kaga adkaatay Newcastle, taasoo u xaqiijisay booska finalka Carabao Cup.

“Waxaan maalin kasta bixinnaa dadaalkeenna ugu sarreeya si aan u gaarno finaladan una qaadno koobab”

“Waxaan rajeynayaa inaan u sameyno dhammaan ciyaartoyda cusub iyo sidoo kale kuwii horey halkan u joogay. Waxay na tusmeen in bilad kasta iyo koob kasta ay muhiim yihiin.”

Finalka ayaa lagu ciyaari doonaa Maarso 22 garoonka Wembley, halkaas oo Manchester City ay wajihi doonto Arsenal, kuwaas oo haysta fursad ay ku qaadaan afar koob (Quadruple) xilli-ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga