Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Martin Ødegaard Kadib Dhaawacii Uu Ku Seegay Kulankii Chelsea.

Martin Ødegaard ayaa seegay ciyaarta semi-finalka Carabao Cup ee Arsenal la ciyaartay Chelsea, kaddib dhaawac yar oo soo gaaray.

Ødegaard ayaa beddel ku soo galay qaybtii labaad ee kulankii ay Arsenal 4–0 kaga badisay Leeds United sabtidii, balse Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in kabtankiisu uu dareemay “xanuun yar” intii ay ciyaartu socotay.

Arsenal ayaa Sabtida gurigeeda ku martigelin doonta Sunderland kulan ka tirsan Premier League, waxaana Arteta uu sheegay in xiddiga xulka Norway uu mari doono baaritaanno dheeraad ah toddobaadkan.

Markii wax laga weydiiyay dhaawaca Ødegaard kadib ciyaartii ay ka badiyeen chelsea Semi-final-ka Carabao cup-ka Arteta wuxuu yiri:“Wuxuu dareemay xanuun yar intii lagu jiray kulankii Leeds.”

“Waxaan isku daynay shalay, balse ma uusan dareemin raaxo. Sidaas darteed aan sugno oo aan aragno haddii uu diyaar u noqon doono bilowga toddobaadka.”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga