Jamie Carragher Oo Magacaabay Laba Xiddig Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Premier League.

Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa magacaabay Declan Rice oo Arsenal ah iyo Moises Caicedo oo Chelsea ah inay yihiin labada khadka dhexe ee ugu fiican horyaalka Premier League.

Carragher ayaa hadalkan sheegay isagoo amaanaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, Enzo Fernandez, kana mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Fernandez uu dhowaan dhaliyay goolka guusha ee Chelsea kulankii xiisaha lahaa ee ay 3-2 kaga adkaadeen West Ham horyaalka Premier League dhammaadkii toddobaadka.

Isagoo ka hadlayay Sky Sports, Carragher ayaa yiri:

“Enzo Fernandez ayaa dhaliyay goolka guusha”

“Waxaa si badan looga hadlaa ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu sarreeya Premier League, waxaana ka hadalnaa saaxiibbadiisa khadka dhexe ee [Moises] Caicedo iyo [Declan] Rice: kee baa labadooda ugu fiican?”

“Shaki kuma jiro inay yihiin laba ka mid ah khadka dhexe ee ugu fiican Premier League, balse Enzo isaguna wuxuu la jaanqaadayaa ciyaartoyda ugu fiican horyaalka Premier League.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga