Xiddigii hore ee xulka England, Wayne Rooney, ayaa soo jeediyay in xilligii uu Mohamed Salah ka ahaa halyeyga Liverpool uu dhammaan doono xagaagan marka uu xilli ciyaareedku soo afjarmo.
Rooney ayaa sheegay inuu daawaday ciyaaraha xiddiga Masar ee Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON) oo ka dhacay Morocco, isagoo ku daray in laacibka Liverpool uu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.
“Xilligii uu Salah joogay heerkaas sare wuu dhammaan doonaa marka uu xilli ciyaareedkan dhamaado,” ayuu Rooney ka yiri Salah isagoo ka hadlayay barnaamijka The Wayne Rooney Show.
“Waxaan sidoo kale daawaday qaab ciyaareedkiisa Koobka Qaramada Afrika. Xawaarahiisii iyo awooddiisii qaraxa lahayd ma aha sidii ay hore u ahaan jireen — tani qalad isaga ma aha; waa wareeg dabiici ah oo ciyaaryahan kasta maro. Waxaan aaminsanahay in sannadihii ugu fiicnaa ay ka dambeeyaan laga bilaabo xagaagan.
“Wax kasta oo uu Salah u sameeyay Premier League iyo Liverpool waa wax aan caadi ahayn.
“Waa shaki la’aan mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn taariikhda Premier League. Nasiib darro, haddana waxaa si cad u muuqata hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa.”
Be the first to comment