Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo dhamaystiraya saxiixa daafaca aadka loo qiimeeyo ee Jeremy Jacquet.
Sida laga soo xigtay Wargayska The Athletic, xiddiga Jeremy Jacquet ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya Liverpool.
Kooxda Liverpool ayaa saxiixa Jeremy Jacquet kala heshiisay kooxda Rennes iyaga oo ka bixinaya xiddiga lacag dhan 60 milyan oo euro.
Xiddiga Jeremy Jacquet ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2030 Iyo waliba hal sano oo dheeri ah.
Xiddiga Jeremy Jacquet ayaa heshiis amaah ah ugu laaban doona kooxda Rennes inta ka dhiman xilli ciyaareedka ka hor inta uuna si Rasmi ah ugu soo biirin xagaaga dambe.
Be the first to comment