Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Mikel Merino uu maqnaan doono muddo dheer kaddib dhaawac cagta ah oo soo gaaray.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay Axaddii, ayay kooxda Premier League-ku shaacisay in Merino lagu sameyn doono qalliin.
Ujeeddadu waa in khadka dhexe ee reer Spain uu ku soo laabto ka hor dhammaadka xilli-ciyaareedkan.
Bayaanka ayaa lagu yiri:
“Mikel waxaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado muddo dheer, iyadoo hadafku yahay inuu dib ugu soo laabto tababarka buuxa ka hor dhammaadka xilli-ciyaareedka.
“Qof walba wuxuu si buuxda diiradda u saarayaa taageeridda Mikel si loo hubiyo inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto taam ahaansho buuxda.”
Merino ayaa seegay guushii 3-2 ahayd ee Arsenal ka gaartay Kairat Almaty kulankii Champions League sababo la xiriira ganaax, sidoo kalena ma uusan taam ahayn kulankii ay Arsenal 4-0 kaga adkaatay Leeds United Sabtidii.
Be the first to comment