Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Bukayo Saka.

Mikel Arteta ayaa bixiyay war cusub oo ku saabsan Bukayo Saka kaddib markii garabka weerarka uu dhaawac ka soo gaaray intii lagu jiray kululayntii ka hor kulankii ay Arsenal 4-0 kaga adkaatay Leeds United.

Saka ayaa ku soo laabtay safka hore kaddib markii la nasiyay bartamihii toddobaadka, balse si lama filaan ah ayaa looga saaray ciyaarta Elland Road kaddib markii uu u muuqday inuu dhaawacmay intii kululaynta socotay.

Garabka weerarka ayaa u dhaqaaqay tunnel-ka isaga oo la socday dhaqtarka jimicsiga (physio) ee Arsenal ka hor inta aan ciyaartu bilaaban, ugu dambayntiina waa laga saaray liiska ciyaarta, waxaana booskiisa safka hore galay Noni Madueke.

Markii wax laga weydiiyay xaaladda Saka kaddib ciyaarta, Arteta ayaa u sheegay Premier League Productions:


“Wuxuu qabay xanuun yar mana uusan dareemin raaxo inuu ciyaarta bilaabo, sidaas darteed go’aan ayaan isla markiiba qaadannay.”

“Waa  inaan sameyno baaritaanno (tests) berrito si aan u aragno sida uu xaaladdiisu tahay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga