Tababaraha Benfica, Jose Mourinho, ayaa sheegay in Real Madrid ay yihiin “musharraxa ugu weyn” ee ku guuleysan kara Champions League.
Mourinho ayaa hadalkan ka yiri kaddib markii kooxdiisa lagu beegay Real Madrid wareegga knockout play-offs ee tartanka.
Labada kooxood ayaa horay iskaga hor yimid kulankii ugu dambeeyay ee heerka group-yada, iyadoo Benfica ay ku badisay 4-2 kulan si weyn loo xasuusto.
Mourinho ayaa yiri:
“Waxaan haysanay laba doorasho oo kaliya, Real Madrid ama Inter Milan. Xulasho badan ma aanan lahayn. Waxaan ku dhacnay boqorka.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Maalin dhoweyd, markii ciyaaryahan Real Madrid ah uu ii soo bandhigay funaanaddiisa kaddib ciyaarta, ayaan si kaftan ah ugu muujiyay ciyaartoydayda astaanta ku taallay funaanaddooda – 15 jeer. Waa boqorka, dhammaan wixii ay taasi ka dhigan tahay.”
Ugu dambeyn wuxuu yiri:
“Ma aha oo kaliya taariikh. Waxaan wajahaynaa, sida la oran karo, kooxda ugu weyn ee u sharaxan ku guuleysiga tartankan.”
Be the first to comment