Roberto De Zerbi Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Man United.

Roberto De Zerbi ayaa ku adkeystay in diiraddiisu ay “si buuxda ugu jeeddo Marseille” xilli ay jiraan warar sheegaya in Manchester United ay ka fiirsanayso inuu noqdo tababarahooda xiga.

De Zerbi, oo 46 jir ah, ayaa la fahamsan yahay inuu ku jiro liiska musharrixiinta ugu sarreeya ee United, iyadoo Michael Carrick uu si ku-meel-gaar ah u hayo xilka illaa dhammaadka xilli-ciyaareedka.

Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka caawa ee Marseille iyo Liverpool, tababaraha reer Talyaani ayaa yiri:
“Diiraddaydu si buuxda ayay ugu jeeddaa Marseille. Aniga qudhaydu waan doonayay inaan halkan imaado.

“Maalinta ka horreysa kulan aad u muhiim ah, aad u go’aan ah, maskaxdayda meel ugama bannaan in aan ka fikiro waxyaabo kale. Waxaan si aad ah ugu faraxsanahay magaaladan, ciyaartoydan, iyo Kooxdan”

“Mustaqbalka marka laga hadlayo, waa arrin aan ka wada hadli doono bisha soo socota, ama sannadka dambe—ma garanayo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga