Schmeichel Oo Saadaaliyay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Karto Premier League

Halyeeyga Manchester United, Peter Schmeichel, ayaa rajaynaya in kooxdiisii hore ay sii wadi doonto bandhiggooda wanaagsan ee waayadan dambe isla markaana ay gaari doonto natiijo aad uga fiican Premier League xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkii hore wuxuu ahaa mid aad u liitay Red Devils, maadaama ay ku dhammeysteen kaalinta 15-aad ee horyaalka ugu sarreeya isla markaana aysan ku guuleysan wax koob ah.

Arrintaas ayaa sababtay inaysan ka qayb gelin wax tartan Yurub ah xilli ciyaareedkan, waxaana intaa u dheer inay si lama filaan ah uga hareen Carabao Cup kaddib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Grimsby Town. Sidaas darteed, hadda waxay diiradda saarayaan oo keliya horyaalka.

Kooxda uu hoggaamiyo Ruben Amorim ayaa haatan ku jirta kaalinta lixaad, iyagoo saddex dhibcood oo kaliya ka dambeeya kaalinta afraad.

Guushii ay ka gaareen Newcastle United kulankii ugu dambeeyay ayaa ka dhigtay inay dhibco la siman yihiin Chelsea, oo ku jirta kaalinta shanaad, taasoo keentay in dareen wanaagsan uu mar kale ku soo laabto Old Trafford.

Goolhayihii caanka ahaa Schmeichel ma muujinayo farxad xad-dhaaf ah, balse wuxuu aaminsan yahay in Manchester United ay sii wadi karto heerka ay hadda joogto isla markaana ay xilli ciyaareedka ku dhammeystan karto boos u dhow kan ay hadda ku jirto.

“Waxaan u maleynayaa shanaad ama lixaad. Kaalinta shanaad waa mid wanaagsan, balse waxay la tartamayaan dhowr kooxood oo kale oo iyaguna si aad ah u ciyaaraya,” ayuu yiri ninka reer Denmark oo la hadlay ViaPlay.

“Laakiin waxaan u maleynayaa in taas ay tahay heerka ay Manchester United joogto. Marka la eego saxiixyada Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo, waa inay awoodaan inay xilli ciyaareedka ku dhammeystaan agagaarka kaalinta shanaad ama lixaad,” ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga