Saliba Oo Sharaxay Sababtii Uu U Diiday Real Madrid.

Daafaca reer Faransiis ee kooxda Arsenal, William Saliba, ayaa ka hadlay sababta uu u diiday inuu ku biiro kooxda Real Madrid, ka hor inta uusan dhawaan go’aansan inuu qandaraaskiisa cusbooneysiiyo isagoo sii joogi doona kooxda Gunners.

Saliba oo la hadlayay mareegta Téléfoot ayaa yiri:

“Dabcan, waa wax aad u soo jiidasho leh marka naadi sida Real Madrid ah ay xiisaynayso, balse waxaan rabay inaan marka hore koobab kula guuleysto Arsenal ka hor inta aanan ka fikirin wax kale.”

Kooxda Arsenal ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay cusboonaysiisay heshiiska Saliba ilaa sanadka 2030, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu sii hayo mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee daafaca kooxda, isla markaana lagu joojiyo kooxaha kale ee xiiseynaya, oo ugu horreyn Real Madrid.

Kooxda boqortooyada ee Real Madrid ayaa hore u qorsheysay in ay daafaca reer Faransiis ka mid dhigto bartilmaameedyadeeda suuqa xagaaga soo socda, si ay u xoojiso difaaceeda, iyadoo sidoo kale liiska ku jirayaan magacyo kale oo caan ah sida Dayot Upamecano iyo Ibrahima Konaté.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga