Glenn Murray ayaa aaminsan in afar kooxood ay awood u leeyihiin inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay laba guul ka gaadho habeenka isniinta marka ay St James’ Park ku wajahdo Newcastle United.
Kaliya labada kooxood ee Arsenal Iyo Tottenham ayaa haysta rikoodhka 100% ee bilowga xilli ciyaareedka inkasta oo ay Liverpool kula biiri karto hadii ay ka badiso Newcastle.
Liverpool ayaa 10 dhibcood ka saraysa kooxda kaalinta labaad ee Arsenal xili ciyaareedkii hore laakiin waxa ay u muuqataa in ay xilli ciyaareedkan wajahi doonto tartan badan.
Murray waxa uu saadaaliyay tartanka ‘afar faras’ oo horyaalka premier League u dhexeeya kooxaha Liverpool, Arsenal, Manchester City Iyo Chelsea.
“Waxa aan maqlay in Arteta yidhi in Arsenal heshay dhibco ka badan kooxaha kale 3-dii sano ee ugu dambaysay premier League”ayuu yidhi.
“Aniga ahaan Liverpool ayaa ah kooxda ku guulaysan doonta horyaalka sababta oo ah si fiican ayay isku xoojiyeen”.
“Waxa ay tartan kala kulmi doonaan koxaha Arsenal, Chelsea Iyo Man City”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment