RASMI: Arsenal Oo Dhamaystirtay Saxiixa Eberechi Eze

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Eberechi Eze sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano Arsenal ayaa heshiis la gaadhay kooxda Palace si ay ula soo saxiixato xiddiga reer England ee Eberechi Eze.

Xiddiga ayaa iska diiday Tottenham isaga oo ka doortay ku biirista Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa ka bixin doonta lacag dhan 60 milyan oo euro si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga reer England.

Arsenal ayaa saacado gudohood ku dhamaystirtay saxiixa xiddiga kadib markii uu Kai Havertz dhaawac soo gaadhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga