
Florian Wirtz ayaa fikirkiisa ka dhiibtay saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Hugo Ekitike.
Ekitike ayaa Liverpool ku soo biiray xagaagan isaga xoojonayay weerarka kooxda.
Labada xiddig ayaa iska soo hor jeeday markii ay joogeen Germany iyaga oo u kala ciyaarayay laba Kooxood oo kala duwan.
“Runtii waa ciyaaryahan wanaagsan, waan ku riyaaqay daawashada markii uu joogay Frankfurt, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inuu go’aansaday inuu noo yimaado”.
“Waa wax fiican in aan haysano ciyaaryahano dhowr ah oo isku mar yimaada, si aan isku xirno wax yar oo aan ka wada hadalno sida aan ula macaamilno, taasi waxay ku caawineysaa markaad timaado koox cusub.”
Be the first to comment