DEG-DEG: Man United Oo Dalab Ka Gudbisay Saxiixa Benjamin Sesko

Kooxda Man United ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda RB Leipzig ee Benjamin Sesko sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa xiddiga Benjamin Sesko ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu muhiimsan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man United dalab Rasmi ah oo dhan 85 milyan ka gudbisay saxiixa xiddiga Benjamin Sesko.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa wali ka hoosaysa dalabka ay Newcastle ka gudbisay saxiixa xiddiga oo dhan 90 milyan oo euro.

Xiddiga Benjamin Sesko ayaan wali wax go’aan ah ka gaadhin kooxda uu ku biirayo iyada oo lagu dagaalamayo saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga