
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigayso laba ka mid ah ciyaartoydeeda si ay qayb uga noqdaan heshiis ay ku doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Alejandro Garnacho xagaagan.
Sida laga soo xigtay The Athletic kooxda Premier League ee galbeedka London ayaa xiddigaha Nicolas Jackson iyo Christopher Nkunku u soo bandhigaysa Man United si ay uga qayb noqdaan heshiiska.
Man United ayaa lacag ka badan 50 milyan ku qiimaysa xiddiga laakiin Chelsea ayaa doonaysa in ay qiimahaas hoos ugu dhigto xiddigo ay ku darto heshiiska.
Be the first to comment