Slot Oo Shaaciyay Sababta Uu Luis Diaz Uga Reebay Kulankii Ac Milan.

Arne slot ayaa xaqiijiyay in mustaqbalka Luis Diaz ee Liverpool aan la hubin.

Tababaraha Reds ayaa saxaafada u sheegay in xiddiga garabka ka ciyaara laga saaray kooxdii wajihi lahayd AC Milan horaantii maanta sababo la xidhiidha mustaqbalkiisa.

Diaz, oo 28 jir ah, ayaa  lala xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda Liverpool suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayo Bayern Munich.

Diaz ayaa kooxda ku wargaliyay rabitaankiisa ah inuu baxo.

Intaa kadib waxaa gabi ahaanba laga saaray kooxdii wajahday AC Milan kulan saaxiibtinimo ahayd.

Markii la weydiiyay sababta Diaz looga saaray, Slot wuxuu yiri: “Runtii si wanaagsan ayuu nala tababaranayaa”.

“Laakiin waxaan go’aansanay, hadda, inaanan weli ciyaarsiin isaga”.

“Waxaan la qabsaday in aan si joogto ah ula hadlo inta badan ciyaartoydeyda, sidaan idhi, Lucho si fiican ayuu u tababaranayaa, waxaana go’aansanay inuusan hadda ciyaarin.

“Wax badan kama faalloon karo taas.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga