
Manchester United ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha AC Milan Mike Maignan.
Iyadoo shaki uu ku jiro Andre Onana ee Old Trafford, Maignan ayaa u imaan kara bedelka xiddiga reer Cameroon.
Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Talyaaniga Nicolo Schira ayaa ku waramaya in United ay ka shaqeyneyso saxiixa Goolhayaha Maignan.
Qandaraaska goolhayaha ee Milan ayaa dhacaya xagaaga 2026.
Bishii Janauary, waxaa soo baxday in Milan iyo Maignan ay ku dhow yihiin heshiis cusub, laakiin wixii markaas ka dambeeyay way aamusnaayeen.
Xiddiga reer France ayaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxo ay ka mid yihiin Chelsea iyo Aston Villa bilihii ugu dambeeyay.
Be the first to comment