Inter Mise PSG? Jack Wilshere Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysanaysa Champions League.

Jack Wilshere ayaa daaha ka qaaday saadaashiisa finalka Champions League ee dhexmari doona kooxaha PSG iyo Inter Milan kadib markii ay isaga hareen kooxaha Arsenal iyo Barcelona.

Inter ayaa celcelis ahaan 7-6 ku garaacday Barca mid ka mid ah kulamadii abid ugu fiicnaa ee Yurub, halka PSG ay celcelis ahaan 3-1 ku garaacday Arsenal.

garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena ayaa martigelin doona finalka Champions League 2025 May 31.

Paris Saint-Germain ayaa loogu magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

Markii la weydiiyay saadaasha finalka Champions League ka dib markii la ogaaday kooxaha isku soo hadhay ayuu Wilshere yidhi”Waxa aa u saadaalinayaa Inter Milan, ma arki karo kooxdaas oo laga badinayo Final-ka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga