
Ka dib guuldaradii Paris Saint-Germain ee lugtii hore ee semi-finalka Champions League usbuucii hore, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ku celceliyay in 90 daqiiqo oo kale dhimantahay.
Haddii Gunners ay dooneyso inay gaarto finalka Champions League ee ugu horeysay tan iyo 2006 markaas waa inay ka soo laabato guuldaro 1/0 ah oo ay kala kulantay PSG.
Soo laabashada Thomas Partey ayaa farxad weyn u ah Arsenal kadib markii uu xiddiga khadka dhexe seegay lugtii hore.
Partey ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu ku soo biiray 2020 maqnaanshihiisana waxaa laga dareemayay garoonka Emirates Stadium.
Arteta ayaa rajeynaya in helitaankiisa ay u rogi karto xiisaha Arsenal maadaama ay isha ku hayaan soo laabasho caan ah.
Hadab Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doona 3 sabab oo uu Thomas Partey soo laabashada uga caawin karo PSG.
In Declan Rice lagu soo celin karo door dhinaca weerarka ah:
Tani waa faa’iidada ugu weyn ee soo laabashada Partey.
Maqnaanshaha lugtii hore, Declan Rice ayaa lagu qasbay inuu buuxiyo booskiisa Khadka dhexe ee daafaca.
Rice wuxuu leeyahay khibrad badan oo uu ku ciyaaro halkaas, laakiin in ka badan hal sano waxaa loo isticmaali jiray No8.
Saameyntiisa ayaa aad uga weyn halkaas, waxaana taasi ay muuqatay intii ay Arsenal u soo baxday semi-finalka Champions League.
Mikel Meriono oo ku laaban kara weerarka:
Markii Mikel Merino uu u saxiixay Arsenal xagaagii hore, fikradda ah in Gunners ay ka ciyaarsiiso weerarka kulan Champions League ayaan ahayn mid maskaxda lagu hayay.
Laakiin Merino ayaa doorkiisa ka dhigay tan ilaa markii Arteta uu ka ciyaarsiiyay booskaas Bishii February kadib markii Kai Havertz uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray.
Partey wuxuu jebin karaa ciyaarta wuxuuna difaaci karaa difaaca
Waxay qaadatay wax ka yar afar daqiiqo usbuucii hore in la tuso Arsenal waxa ka maqnaa kadib markii uu Partey ka maqnaa kooxda.
Goolka PSG waxa uu lahaa 26 baas, laakiin waxa ugu yaabka badnaa waxa uu ahaa sida Ousmane Dembele uu si dhib yar u dhex orday si uu u dhaliyo goolka 1-aad.
Be the first to comment