PSG Oo War Fiican Heshay ka Hor Kulanka Arsenal.

Ousmane Dembele ayaa u muuqda mid ku guulaysanaya dagaalkiisii ​​si uu taam ugu noqdo kulanka Arsenal Arbacada ka dib markii xiddiga Paris Saint-Germain uu mar kale tababar qaatay subaxnimadii Salaasada.

Dembele, oo dhaliyay goolka guusha iyadoo PSG ay 1-0 kaga badisay Emirates Stadium usbuucii hore, ayaa shaki la geliyay taam ahaanshihiisa ka dib markii lagu qasbay inuu dhaawac muruqa ah ka soo baxo dhamaadkii lugtii hore.

Weeraryahanka PSG ayaa seegay kulankii Ligue 1 ee ay la ciyaareen Strasbourg isbuucaan laakiin waxa uu ku soo laabtay tababarka ka hor kulanka lugta labaad ee semi-finalka ay Arsenal kula ciyaari doonaan Paris.

Taam ahaanshihiisa ayaa wax weyn u noqon doona kooxda PSG oo isku dayaysa inay dhamaystirto shaqada kulanka Arsenal.

Dembele ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira wuxuuna dhaliyay 30 gool 42 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga