
Halyeeyga Liverpool Dirk Kuyt ayaa ku booriyay Reds in ay soo afjaraan hubanti la’aanta ku hareeraysan mustaqbalka Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk isla markaas heshiis cusub ka saxiixdaan.
Labada xiddig ayaa galaya todobaadyadii ugu dambeeyay ee heshiiskooda inkasta oo ay kooxdu kalsooni ku qabto in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga waxa jirta walaac laga qabo in ay kooxdu lumiso labada xiddig xagaaga.
Salah iyo Van Dijk ayaa labadooduba si cad u qirtay in mustaqbalkoodu yahay mid aan la hubin, laakiin Kuyt ayaa sheegay in ayna jirin fikir labaad oo ku Aadan mustaqbalka xiddiga.
“Virgil wuxuu ku hogaamiyaa qaab aad u wanaagsan, wuxuuna ku ciyaarayaa heerkiisii ugu fiicnaa,” Kuyt ayaa u sheegay The Athletic.
“Wuxuu daryeelaa qaab ciyaareedkiisa, wuxuuna sidoo kale u joogaa dadka kale gudaha iyo dibada garoonka”.
“Ma ahayn wax sahlan inuu ka soo laabto dhaawac xun, wuxuuna lahaa xoogaa dhaleecayn ah, laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu ahaa mid heersare ah, waxaana ku raaxaysanayaa daqiiqad kasta oo aan daawado isaga oo u ciyaaraya Liverpool”.
“Waxa uu noqonayaa 34 sano jir laakiin xiddigu haatan waxa ay dhaafi karaan da’daydii sidoo kale waa la mid ah Salah waxa uu noqonayaa 33 jir qof walba wuu jecelyahay isaga waxana ay donayaan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda”.
Be the first to comment