
Mareykanka ayaa martigelin doona koobka kooxaha aduunka sanadka 2025 qaybtii ugu horaysay tan ilaa markii is badalka lagu sameeyay tartanka.
Manchester City ayaa ah kooxda heysata koobka kooxaha aduunka ka dib markii ay 2023 ku qaadeen Saudi Arabia.
Tartankaas waxaa ka soo muuqday kooxda heysata horyaalka mid kasta oo ka mid ah lixda xiriir goboleed ee FIFA, iyo ka qeyb galayaasha martigelinta ee Al Ittihad.
Sannadka 2025-ka, waxa ka qayb-qaadan doona 32 kooxood, iyadoo FIFA ay billowday nooc cusub oo tartanka ah si ay u milicsato koobka adduunka ee xulalka caalamiga ah.
Koobka FIFA Club World Cup ayaa dhici doona xagaaga 2025 dalka Mareykanka, iyadoo heerka Group-yada uu bilaaban doono June 14, 2025, iyadoo kooxda Messi uu hogaamiyo ee Inter Miami lagu wado inay ciyaarta furitaanka ku ciyaarto garoonka Hard Rock ee Miami.
Tartanka ayaa socon doona bisha soo socota, iyadoo labada kooxood ee ugu sarreeya siddeedda guruub ee afarta ah ay u soo bixi doonaan wareegga bug-baxa iyo wareegga 16-ka, finalka ayaa dhici doona July 13, 2025 garoonka MetLife ee New Jersey.
32-da kooxood ayaa loo kala qaybiyay afar pot oo isku aadka December 2024 iyadoo loo eegayo qaab ay yaqaanaan taageerayaasha UEFA Champions League ka hor inta aan tartanka caanka ah ee Yurub loo bedelin “qaabka Swiss” ee cusub ee 2024/25.
UEFA ayaa ah kooxda ugu badan ee matalaysa iyaga oo ku leh 12 kooxood, Qaaradaha CONMEBOL. AFC, CAF ayaa ku leh min 6 kooxood Halka qaarada Africa ku leedahay 4 Kooxood.
Halkan Kaga bogo isku aadka:
Be the first to comment