
Liverpool ayaa War fiican ka heshay tababarka ka hor kulanka dag ee ay la ciyaarayaan PSG habeenka Salaasada.
Kooxda Merseyside-ka ayaa ku soo wajahan garoonka Anfield iyadoo 1-0 ku soo badisay lugtii hore ee wareega 16ka Champions League ee ka dhacay Parc des Princes.
Cody Gakpo ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ku seegay kulankaas dhaawac, Slot ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay isbuucii hore shaaca ka qaaday in xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands uu weli la ildaran yahay “xoogaa xanuun”.
Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka wax badan ka ciyaara ayaa ku soo laabtay tababarka isniinta waxana uu tartan la galayaa wakhtiga si uu taam ugu noqdo kulanka.
Bishii la soo dhaafay, Gakpo ayaa kaliya saftay laba kulan oo uu badal ku soo galay uguna dambeeyay kulankii ay guusha 2/0 ah ka gaadheen Newcastle.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in 25-jirka uu awood u yeelan karo inuu ka soo muuqdo kooxda kulanka Salaasada.
Be the first to comment