
Declan Rice ayaa amaanay saamaynta uu xiddiga da’da yar ee Ethan Nwaneri ku yeeshay habeen kale oo taariikhi ah oo Champions League xiddiga Arsenal.
Gunners ayaa Hal lug la gashay wareega 8 dhamaadka tartanka Champions League.
Arsenal ayaa 7/1 Kaga badisay kooxda PSV waxana ay kulanka lugta 2-aad ku ciyaari doontaa garoonkeeda.
Nwaneri ayaa mar kale qaab ciyaareed fiican Soo bandhigay isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay guul weyn gaadho.
Rice ayaana aamaanay xiddiga da’yarka ah.
Nwaneri ayaa buuxinaya booska xiddiga Bukayo Saka Oo dhaawacan laakiin Rice ayaa sheegay in uu Nwaneri sii ciyaari doono xitaa marka uu Saka ka soo laabto dhaawaca.
“Waa ciyaarto sare, kaliya waa 17 sano jir waxana uu ka ciyaarayaa tartanka ugu weyn kubada kooxaha”ayuu Rice yidhi.
“Xitaa marka uu Saka Soo laabto waxa aan filayaa in uu Ethan joogi doono”
Be the first to comment