Xiddig Muhiim U Ah Liverpool Oo Uu Shaki Shaki Ku Jiro Kulanka PSG.

Kooxda Liverpool ayaa ka walaacsan xaalada Cody Gakpo kadib markii xiddigu seegay tababarkii ka hor kulanka PSG.

Reds ayaa isku diyaarinaysa kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda PSG kulan ka tirsan wareega 16-ka champions League.

Tababare Arne Slot ayaa u baahan in ay kooxdiisu ku jirto qaab ciyaareed fiican hadii ay doonayaan in ay natiijo ka helaan kulanka.

Laakiin waxa uu shaki ku jiraan Cody Gakpo kulanka lugta 1-aad kadib markii uu seegay tababarka kooxda ka hor kulanka.

Gakpo ayaa dhaliyay 16 gool 38 kulan oo uu u ciyaaray kooxda ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga