Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Ethan Nwaneri

Mikel Arteta ayaa meesha ka saaray cabsida dhaawaca ee Ethan Nwaneri ka dib guuldaradii Arsenal ka soo gaartay West Ham Premier League.

Da’yarka aadka loo qiimeeyo ayaa ku soo bilowday dhanka midig ee weerarka uu hogaaminayay Mikel Merino kulankii West Ham ee premier league.

Waxa jiray walaac iyo jahawareer ka dhex jiray jamaahiirta kadib markii Nwaneri ciyaarta laga saaray isaga oo dhaawacan.

Laakiin tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa meesha ka saaray cabsida Laga qabo dhaawaca soo Gaadhay xiddiga.

“Waxay ahayd kaliya daal, waxaan u maleynayaa,” Arteta ayaa u sheegay suxufiyiinta markii Nwaneri Laga Saaray ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga