Haaland Oo Ku Digtay Myles Lewis-Skelly.

Xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa sii wata xafiiltankii uu kula jiray xiddiga Arsenal ee Myles Lewis-Skelly isagoo ku farxay casaankii uu qaatay kulankii West Ham.

Lewis-Skelly ayaa kaadhka cas loo taagay qaybtii danbe ee kulankii ay Arsenal guuldarada 1/0 ah kala kulantay West Ham

18-sano jirkaan ayaa markii hore la siiyay kaarka jaalaha ah, laakiin garsoore Craig Pawson ayaa casaanka u badalay kadib markii ay VAR Soo Dhex gashay.

Daafaca Arsenal ayaa loo arkayay in uu joojiyay fursad gool noqon lahayd taas oo keentay in ciyaarta lag saaro.

Haaland ayaa ka maadsaday xiddig Arsenal isaga oo sii Wadan xafiiltankii kala dhexeeyay xiddiga todobaadyadii ugu dambeeyay.

Myles Lewis-Skelly ayaa ku digtay Haaland kulankii ay Arsenal garaacday  Man City isaga oo sameeyay dabaal-dagiiisa kadib markii uu gool dhaliyay

Taageerayasha West Ham ayaa sameeyay dabaal-ga Haaland kulankii ay Kooxdu ka badisay

Haaland ayaa “Like” saaray dabaal-daga ay taageerayasha West Ham ugu diganayaan Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga