West Ham Oo Hadiyad U Dirtay Liverpool, Arsenal Ayay Garaaceen.

Kooxda West Ham ayaa Hadiyad qaali ah u dirtay kooxda Liverpool iyaga oo ka badiyay Arsenal.

Gunners ayaa kulanka Soo gashay iyada Ii fursad u Haysata in ay 5 dhibcood ka dhigto dhibcaha ay ka dambeeyaan Liverpool.

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay guul ka gaadhaan kooxda West Ham.

Laakiin Arsenal ayaa ku dhibaatootay in ay dhaafto daafaca West Ham iyaga oo aan si fiican u tijaabin goolka West Ham.

Kooxda West Ham ayaa daqiiqadii 44-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jarrod Bowen  kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Qaybtii dambe ayay West Ham Daafac adag gashay iyada oo Arsenal wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.

Waxa sidaaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guuldaro lama filaan ah kala kulantay West Ham.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga