
Manchester United ayaa barbardhac xiiso badan la gashay kooxda Everton, iyadoo koox kasta laba gool ka dhalisay fiidnimadii Sabtida, kulan ka tirsan wareegga 26-aad ee horyaalka Ingiriiska.
Beto ayaa goolka u daah furay kooxdiisa isaga oo dhaliyay daqiiqadii 19-aad ka hor inta uusan saaxiibkiis Abdoulaye Doucoure uusan dhalin goolka labaad daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2/0.
United ayaa sugaysay daqiiqadii 72aad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyay goolka Bruno Fernandes isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Ugu dambayn xiddiga Manuel Ugarte ayaa daqiiqadii 80-aad dhaliyay goolka 2-aad ahna goolkii bar-baraha.
Marka la eego natiijada, dhibcaha United ayaa kor u kacday 30 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta shan iyo tobnaad, halka Everton ay gaartay 31 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta 12aad ee kala sarreynta Premier League.
Be the first to comment