Real Madrid Oo Ogaatay Jawaabta Racfaankii Ay Ka Qaadatay Jude Bellingham

Real Madrid ayaa ku fashilantay racfaankii ay ka qaadatay ganaaxii labada kulan ahaa ee Jude Bellingham.

Bellingham ayaa kaarka cas oo toos ah loo taagay sabtidii hore ciyaartii ay barbaraha 1-1 la galeen Osasuna kadib markii uu aflagaado u gaystay garsooraha ciyaarta.

Garsoore Jose Munuera Montero ayaa ku sheegay warbixintiisa ciyaarta in Bellingham uu kula kacay aflagaado.

Gudiga anshaxa ee xiriirka kubada cagta Spain ayaa doortay in ay ku ganaaxaan xiddiga heerka caalami ee dalka England 2 kulan.

Natiijo ahaan, xiddiga Real Madrid ayaa bilaaban doona ganaax labo kulan ah, isagoo ka bilaaban doona kulanka axada ee Girona ee Santiago Bernabeu.

Bellingham waxa uu xor u noqon doonaa in uu ku soo laabto shaxda kulanka lugta hore ee Semi-finalka Copa Del Rey-ga ee Real Madrid ay Arbacada la ciyaari doonto kooxda Real Sociedad.

21-sano jirkaan ayaa ka dib fariisan doona kulan horyaalka ah oo ay marti ku yihiin Real Betis, ka hor inta uusan ganaax kale qaadanin lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee Atletico Madrid.

Bellingham ayaa la ganaaxay hal kulan oo Champions League ah ka dib markii uu qaatay jaalihiisii seddexaad ee Yurub xilli ciyaareedkaan kulankii Arbacadii ay 3-1 kaga badiyeen Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga