
David Raya ayaa soo jeediyay in Mikel Merino aysan u badneyn inuu ku soo bilowdo weerarka Arsenal inkastoo uu wacdaro dhigay kulankii ugu dambeeyay ee uu kaydka ka soo baxay.
Dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay weeraryananada kooxda iyada oo ay ka dhaawacmeen Saka, Martinelli Iyo Havertz.
Dhaawacyada soo gaadhay ayaa keentay in uu Arteta weerarka ka ciyaarsiiyo xiddiga Khadka dhexe ee Mikel Merino kaas oo 2 gool dhaliyay kulankii Leicester City.
Waxa si weyn loo filayay uu Merino mar kale ku bilowdo weerarka kooxda Arsenal kulamada soo socda laakiin David Raya ayaa sheegay in aanu xiddiga reer Spain ka ciyaari doonin weerarka kooxda Arsenal.
“Aad uma hubo, Waxaan u maleynayaa in dalabaadka weeraryahan ahaan ee kooxdeena ay aad iyo aad u sarreeyaan”ayuu Raya yidhi.
“Waxa aan qabaa in uu is badal samayn doono kana ciyaari doono xiddig kale, laakiin ma qabo in uu Merino ka ciyaari doono weerarka kulanka soo socda”
Be the first to comment