Miyuu Haaland Diyaar U Yahay Kulanka Liverpool? Guardiola Ayaa Ka Jawaabay.

Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Erling Haaland uu weli shaki ku jiro kulanka Manchester City ee Premier League ay la ciyaarayaan Liverpool axada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii ay 4-0 kaga badiyeen gurigooda Newcastle United sabtidii hore laakiin waxa uu kooxda City u raacay Madrid isbuucaan.

City ayaa weli rajo ka qabta in Haaland uu diyaar u yahay inuu wajaho Liverpool laakiin Guardiola ayaa shaaca ka qaaday In weeraryahanka, oo dhaliyay 27 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, uu mari doono tijaabo wakhti dambe ah ka hor kulanka Liverpool.

Markii wax laga weydiiyay helitaanka Haaland, Guardiola wuxuu ku jawaabay:”Ma garanayo weli”.

“Berri way ogaan doonaa, weli ma garanayo”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga