Lamine Yamal Oo Doortay Xiddiga Uu Ku Riyoodo In Ay Barcelona La Soo Saxiixato.

Lamine Yamal ayaa u magacaabay weeraryahanka Bayern Munich Jamal Musiala riyadiisa inuu u saxiixo Barcelona suuqa xaggaagan.

17 jirka garabka uga ciyaara Barcelona ayaa ku riyaaqay heerar aan caadi ahayn oo guulo ah tan iyo markii uu u saftay kooxda Catalan bishii August 2023 isaga oo jira kaliya 15 sano.

Waqtigaas, Yamal waxa uu naftiisa ka dhigay mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ka qarankiisa Iyo waliba Barcelona isaga  door muhiim ah ka ciyaaray in uu xulkiisu ku guulaysto Euro 2024 halka uu Barcelona ka caawiyay in ay ku dhamaystaan kaalinta 2-aad.

Da’yarka ayaa qaab ciyaareedkiisa ka sii watay halkiisii xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool 10 kalena caawiyena ka noqday 10 kale 21 kulan oo horyaalka ah.

Yamal ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xiisaha badan kubada cagta adduunka, waxaana ka qalin jabiyay akadeemiyadda La Masia durba la barbardhigay qaar ka mid ah kuwa ugu wanaagsan ciyaarta tan iyo markii uu soo baxay, laga soo bilaabo Neymar ilaa Lionel Messi.

Markii la weydiiyay inuu magacaabo seddex ciyaaryahan oo ka baxsan Barcelona oo isaga dhiiri galiyay ayuu Yamal yidhi”Musiala, Neymar, Savinho”.

Iyada oo lagu cadaadiyay in uu sheego xiddiga uu jeclaan lahaa in ay Barcelona la soo saxiixato ayuu yidhi”Waxad doonaysaa in aan yidhaahdo Neymar laakiin Maya”.

“Musiala oo heshiis kula jira Bayern Munich”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga