Xiddig Xaqiijiyay In Uu Ku Dhawaaday Chelsea Iyo Sababtii Uuna Ugu Biirin.

Daafaca Feyenoord iyo xulka Netherlands Quilindschy Hartman ayaa sheegay inuu ku biiri karay Chelsea xagaagii lasoo dhaafay hadii dhaawac uusan u diidin u dhaqaaqista Premier League.

Hartman, oo 23 jir ah, waxa uu jabiyay kooxdii kowaad ee Feyenoord sanadkii 2022 waxana uu door muhiim ah ka qaatay xilli ciyaareed indho qabad leh xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee kubada cagta si uu uga caawiyo kooxdiisii caruurnimada ku guulaysiga horyaalkoodii ugu horeeyay ee Eredivisie muddo lix sano ah.

Daafaca bidix ayaa halkiisii ka sii qaaday qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isaga oo koob kale kula guulaystay kooxdiisa.

Bandhigyada la hubo ee Hartman ayaa si dhakhso ah u soo jiitay dareenka qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub, iyadoo Arsenal, Bayern Munich iyo Chelsea dhamaantood loo aqoonsaday inay xiiseynayaan daafaca dambeedka midig ee da’da yar.

Chelsea ayaa la aaminsanaa in ay ugu cad-cad tahay Hartman laakiin xiddiga reer Holland ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka bishii March, taasoo keentay in uu heshiisku dhici waayo.

Dhaawaca ayaa keentay in uu xiddigu seego intii ka dhimanayd xilli ciyaareedkaas iyo waliba tartanka euro-da ee xulka qarankiisa.

“Miyaad nasiib xun tahay markii aad horyaalka la qaaday Feyenoord, oo aad ka ciyaartay Champions League, sidoo kale gaadhay Qurter-final-ka Europe League sidoo kale lagugu Soo daray xulka qaranka? Hartman ayaa u sheegay Voetbal Primeur markii uu dib u milicsaday waxa dhacay.

“Waa run in Chelsea ay i dooneysay, laakiin dabcan taasi ma dhicin sababtoo ah jilibkeyga”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga