Pep Guardiola Oo Magacaabay 4 Kooxood Oo Ku Guulaysan Kara Champions League.

Pep Guardiola ayaa magacaabay afar kooxood oo ku guuleysan kara Champions League ka dib markii Manchester City ay ka hartay.

Kooxda difaacanaysa Premier League ayaa si weyn ugu dhibaatootay champions league xilli ciyaareedkan iyaga oo guuldaro kala kulmay Real Madrid kulamadii is reeb-reebka.

Man City ayaa rajo ka lahayd in ay u safarto caasimada Spain inkasta oo ay guuldaro 3-2 ah ku soo gaadhay Etihad Stadium laakiin Kylian Mbappe ayaa soo afjaray hadal kasta oo ku saabsan soo laabashada isaga oo dhaliyay saddexley cajiib ah.

Isagoo hadlayay ka dib bixitaankii Manchester City ee Yurub, Guardiola ayaa ku adkeystay in Madrid ay ugu cad-cadahay ku Guulaysiga Champions League.

Laakiin sidoo kale waxa uu Magacaabay 3 kooxood oo kale oo ugu cad-cad ku Guulaysiga Champions League.

“Dabcan Madrid way ugu cad-cadahay” Guardiola ayaa yiri.

“Laakiin waxaa jira kooxo kale oo wanaagsan oo ku Jira tartanka champions League, Waxa uu noqon doonaa xilli ciyaareed xiiso leh Champions League”.

“waxaa jira kooxo kale oo si fiican u ciyaaraya. Liverpool waxa ay ku jirtaa xilli ciyaareed aad u fiican ilaa iyo haatan, Barcelona waa cajiib, Paris Saint-Germain, iyo saaxiibkay Luis [Enrique] oo tababare u ah, ayaa socda.

“Laakiin sida iska cad, Madrid ayaa ugu cadcad”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga