Ruben Amorim ayaa sharaxay go’aankiisa cajiibka ah ee uu ku bilaabay Kobbie Mainoo weeraryahan ahaan kulankii ay Manchester United guuldarada 2-0 ah ka soo gaartay Crystal Palace Axadii.
Qaab ciyaareedka foosha xun ee United ee Premier League ayaa ku sii socotay Old Trafford iyadoo guuldaro lama filaan ah kala kulantay Jean-Philippe Mateta.
Waxaa jiray layaab weyn markii lagu dhawaaqay shaxda, iyadoo Rasmus Hojlund ama Joshua Zirkzee midkoodna uusan ku jirin shaxda Red Devils.
Labaduba si aad ah ayaa loo dhaleeceeyay xilli ciyaareedkan, laakiin maqnaanshahooda ayaa la macno ah in United aysan ku ciyaarin weeraryahan dabiici ah.
Waxaa loo malaynayay in mid ka mid ah Bruno Fernandes, Alejandro Garnacho ama Amad Diallo uu ku soo bilaaban doono weerarka kulanka ka hor laakiin Mainoo ayaa ahaa xiddiga ka ciyaarayay booska No.9.
19-sano jirkaan ayaa la saaray daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta, iyadoo United ay diiwaan gelisay labo darbo oo qura.
Isagoo difaacaya isbeddelka taatikada ee shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Amorim wuxuu yiri:”Maanta waxaan go’aansanay inaan Kobbie ka ciyaarsiino weerarka”.
“Waan jeclahay isaga [Maino] kubbadda. Mararka qaarkood waxaad haysataa boos dheeraad ah marxaladda wax-dhisidda”.
Be the first to comment