Tabbaaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa Fariin u Diray kooxda Liverpool kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Wolves.
Arsenal ayaa cadaadiska ku sii haysay hogaamiyayaasha premier league ee Liverpool kadib guushii Wolves.
Gunner ayaa 6 dhibcood ka hoosaysa hogaamiyayaasha premier league.
Arteta ayaa sheegay in ayna kooxdiisu iska dhiibi doonin tartanka Premier League.
“Ma quusan doono. Waxaan wajihi doonaa caqabad kasta, xaalad kasta oo maanta oo kale ah”
“Haddaynu guulaysano iyo haddii kaleba, taasi waa su’aal ka duwan. Waxaan isku dayi doonaa 100%, waxaan isku dayi doona in aan tartanka ku jirno ilaa dhmaadka”
Be the first to comment