Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Ipswich Town kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Anfield.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Liverpool ahayd kooxda fiican min bilow ilaa dhamaad iyaga oo dhinac walba kaga fiicnaa kooxda Martida u ahayd.
Daqiiqadii 11-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Khadka dhexe ee Dominik Szobozlai kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Xiddiga Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 35-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.
Xiddiga Cody Gakpo ayaa daqiiqadii 44-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga o ciyaarta ka dhigay 3/0 ay kooxdiisu ku raaxaysanayso.
Qaybta dambe ayay Liverpool ahayd kooxda sii wadata maamulista ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Ipswich.
Xiddiga Cody Gakpo ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 4/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.
Kooxda Ipswich Town ayaa dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 90-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jaco Greaves kaas oo kooxdiisa u soo baday hal gool.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul weyn ka gaadhay kulanka siina wadatay hogaaminta premier League.
Be the first to comment