Waxa ay muddo kooban inaga xigtaa furitaanka suuqa January ee sanadka 2025.
Kooxaha ayaa isku diyaarinaya sidii ay u samayn lahaayeen saxiixyo ay ku xoojiyaan kooxda.
Waxa la filayaa in ay kooxo badan ku mashquulaan suuqa si ay u xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiix kasta oo dhacay marka lagu dhawaaqo ama kooxuhu ka heshiiyaan saxiixooda.
Ibrahim Diarra -> Barcelona:
Kooxda Barcelona ayaa durba bilowday dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga January iyada oo samaysay saxiixeedii ugu horeeyay.
Barcelona ayaa xaqiijisay saxiixa xiddiga Ibrahim Diarra kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January.
Abdukodir Khusanov -> Man City
Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Abdukodir Khusanov kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga.
Man City ayaa heshiiska ku dhamaystirtay lacag dhan 40 milyan oo euro Iyo lacago gunooyin ah.
Kooxda RC Lens ayaa aqbashay dalabka kooxda Man City waxana haatan la diyaarinayaa tijaabada caafimaadka.
Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2029 Iyo halsano oo dheeri ah.
Omar Marmoush -> Man City
Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush.
Omar Marmoush ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Man City.
Xiddiga reer Masar ayaa kooxda Man City u saxiixay heshiis 5 sano ah waxana uu noqday saxiixii 2-aad ee kooxdu samayso xagaagan.
Be the first to comment