Lewandowski Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Ka Dhigay Champions League.

Xiddiga reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa gacan ka geystay guushii ay shalay kooxdiisu 5-4 kaga badisay Benfica kulan ka tirsanaa wareega 7-aad ee tartanka champions League.

Lewandowski ayaa laba gool ka dhaliyay ciyaarta isaga oo kooxdiisa ka caawiyay guul soo laabasho leh.

Sida laga soo xigtay shabakadda tirakoobka Opta, Lewandowski wuxuu bar-bareeyay Cristiano Ronaldo tirada goolasha rigoore ee taariikhda Champions League, isagoo dhaliyay 19 gool.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa soo galay kaalinta 3-aad isaga oo dhaliyay 18 gool rikoodhe.

Lewandowski waa ciyaaryahanka saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda Champions League isagoo dhaliyay 103 gool, isagoo xusay in Ronaldo uu yahay gooldhaliyaha ugu sareeya tartankaan isagoo dhaliyay 140 gool, markaas Lionel Messi ayaa ku jira kaalinta labaad isagoo leh 129 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga